3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 30, 2020
Dowladda Shiinaha oo Itoobiya kala hadashay in muranka Masar kala dhexeeya ee biyaha Nile wada hadal lagu dhammeeyo
 

Talaado, Juun 30, 2020 (HOL) - Wada-hadal khadka taleefanka ah oo ay yeesheen wasiirrada arrimaha dibadda dalalka Itoobiya iyo Shiinaha Gedu Andargachew iyo Wangi Yi waxay kusoo hadal qaadeen arrimaha muranka biyaha Nile ee u dhexeeyay dalalka Itoobiya, Suudaan iyo Masar. Waxaana lagu sheegay in loo baahanyahay in xalka arrintaasi loo maro wada-hadal sal u noqda iyo is-Af-garad iyo heshiis.

Wang Yi ayaa sheegay in Shiinaha uu muhiimad gaara siinayo wada-jirka iyo wax wada qabsiga waddamadaasi.

Labadan wasiir waxay sidoo kale ka wada hadleen xiriirka Shiinaha iyo Itoobiya iyo sidii loo sii cayilin lahaa iskaashiga dhinaca diblumaasiyadda ah ee ka dhexeeya , waxaana lagusoo hadal qaaday kaalinta xukuumadda Adis Ababa ay ka qaadan karto isu-so dhowaashiyaha Shiinaha iyo guud ahaan Afrika.

Dowladda Shiinaha ayaa hadda u muuqata mid ahmiyad gaar ah siineysa xiriirka ay la leedahay Afrika, waxayna hadda u muuqataa in dowladdaasi ay weli dhex-dhexaad ka tahay qaddiyadda muranka biyaha webiga Nile, waxaana suuragal ah in madaxda dalalka Masar, Suudaan iyo Itoobiya ay wada-hadal furan , kaas oo ay Shiinaha gadaal ka taaganyiin.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
6/30/2020 7:05 AM EST
Talaado, Juun 30, 2020 (HOL) - Bangiga Adduunka ayaa oggolaaday mashruuc ku kacaya $ 40 milyan oo ah Kaalmo Horumarineed oo Caalamiga ah (IDA) oo loogu talagalay Soomaaliya taas oo qayb ka ah Barnaamijka Waxqabadka Degdegga ah, si wax looga qabto khatarta Ayaxa iyo xoojinta nidaamyada u diyaarsanaanta dalalka dhibaatadu ka jirto ee Afrika iyo Bariga Dhexe.

6/30/2020 2:43 AM EST
Talaado, Juun 30, 2020 (HOL) - Sida ay qoreen Warbaahinta Itoobiya heesaaga ahna Abwaanka Haacaaluu Hundeessaa oo kasoo jeeday qowmiyadda Oromada ee waddankaas ayaa lagu toogtay caasimadda Addis Ababa .

6/30/2020 2:32 AM EST
Talaado, Juun 30, 2020 (HOL) - Guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, ayaa sheegay kursiga meel kale loo bedelanayo in ay mustaqbalka keenidoonto in kursigaas beesha iska leh ay lumiso.

6/30/2020 2:20 AM EST
Talaado, Juun 30, 2020 (HOL) - Dad fara badan ayaa ka cararaya magaalada ku taalla xeebta ee Mociboada Praia ee waqooyiga dalka Mozambique, kadib dagaallo xooggan oo halkaasi ka bilowday una dhexeeya ciidamada dowladda iyo maleeshiyada koox Islaami ah.

6/30/2020 2:13 AM EST
Talaado, Juun 30, 2020 (HOL) - Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa waxa uu hambalyo u diray madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Malawi Lazarus Chakwera, kaas oo dhowaan ku guuleystay doorashadii dalkaasi ka dhacday.

6/30/2020 2:00 AM EST
Talaado, Juun 30, 2020 (HOL) - Hay’adda caalamiga ah ee la socoshada kalluumaysiga ee (GFW) ayaa shaacisay dalalka Soomaaliya iyo Yemen inay yihiin halka ay ka dhacaan hawlgallada kalluumeysiga sharci darrada ah ee ugu weyn adduunka.

6/30/2020 1:54 AM EST
Talaado, Juun 30, 2020 (HOL) - Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Amb. Axmed Ciise Cawad, ayaa u hambalyeeyay danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Abuukar Daahir Cusmaan (Baalle) oo loo doortay inuu noqdo madaxweyne ku xigeenka golaha guud ee qaramada Midoobay.