3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 28, 2020
Beesha caalamka: Waa muhiim in is-afgarad siyaasadeed laga gaaro arimaha doorashada
 

Axad, Juun 28, 2020 (HOL) - Midowga Yurub, ayaa soo dhoweeyay warbixinta guddiga doorashooyinka qaran ee Soomaaliya uu ka jeediyay barlamaanka Soomaaliya, balse wuxuu sidoo kale ku adkaysaneynaa baahida loo qabo isafgarad siyaasadeed oo laga gaaro arimaha doorashada.

Midowga Yurub ayaa sheegay tallaabada ugu wanaagsan oo go’aan midaysan lagu gaari karo inuu yahay shirka wadatashiga qaran ee arrimaha doorashooyinka, kaasoo ka dhicidoona magaalada Muqdisho.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) ayaa sidoo kale ku baaqday wadatashi ballaaran oo dhexmara hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee Soomaaliya, si ay u gaaraan heshiis ku saabsan mustaqbalka.

Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay midna masoo hadal qaadin muddo kordbinta uu guddiga doorashada ku baaqay, si loo gaaro doorasho qof iyo cod.

Si kastaba ha ahaatee, barlamaanka Soomaaliya ayaa laga sugayaa inuu go’aan ka gaaro muddo kordhinta uu soo bandhigay guddiga doorashada.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
6/28/2020 2:02 PM EST
Axad, Juun 28, 2020 (HOL) - Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sadiq Xirsi Warfa ayaa maanta khudbad ka jeediyay kullan deg deg ah oo aalada Fogaan-Aragga ay ku yeesheen Wasiirrada Arrimaha Bulshada ee waddamada Jaamacadda Carabta.

6/28/2020 11:37 AM EST
Axad, Juun 28, 2020 (HOL) - Barlamaanka dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta dood culus ka yeeshay go’aankii uu barlamanka Soomaaliya meel mariyay ee ku saabsanaa in gobolka Banaadir uu helo 13 kursi oo aqalka sare ah.

6/28/2020 4:46 AM EST
Axad, Juun 28, 2020 (HOL) - Xildhibaannada Golaha wakiillada Somaliland ayaa waxay saakay yeesheen kulankoodii caadiga ahaa iyagoo meel mariyay laba xubnood oo mucaaradka Somaliland usoo magacaabeen in lagu daro komishanka doorashooyinka madaxa bannaan, xubnahaas oo ay horay u diideen in ay ansixiyaan.

6/28/2020 4:40 AM EST
Axad, Juun 28, 2020 (HOL) - Madaxweynaha maamulka ku yaalla bartamaha Soomaaliya ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa waxaa lagu wadaa in uu gaaro magaalada Cabud-waaq oo ah degmo ku taalla waqooyiga Gobolka Galgaduud.

6/28/2020 4:32 AM EST
Axad, Juun 28, 2020 (HOL) - Wasiirkii hore ee warfaafinta Daahir Maxamuud Geelle ayaa waxa uu si weyn usoo dhoweeyay tallaabadii shalay aqalka hoose ee Baarlamanka Soomaaliya uu ku ansixiyay in Gobolka Banaadir uu aqalka sare ee Baarlamanka dalka uu ku yeesho metalaadda 13 xubnood .

6/28/2020 4:05 AM EST
Axad, Juun 28, 2020 (HOL) - Ururka saxafiyiin Soomaaliland ee SOLJA, ayaa tallaabo sharci darro ah ku tilmaamay go’aankii shaqada looga joojiyay telefishinka madaxa bannan ee Universal Tv xafiiskiisa Somaliland uu ku lahaa.

6/28/2020 3:30 AM EST
Axad, Juun 28, 2020 (HOL) - Guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in mid kamid ah maamul goboleedka Soomaaliya uu ku hanjabo haddii aan la joojin fadhiyada barlamaanka in aysan kasoo qeyb galidoonin shirka lskaashiga doorashada ee Muqdisho ka dhacaya Julay.

6/28/2020 2:07 AM EST
Axad, Juun 28, 2020 (HOL) - Duqa Magaalada Toronto ayaa calanka Soomaaliya ka taagay Hoolka Magaalada Toronto jimcihii lasoo dhaafay si loogu xuso Maalinta xurriyada Soomaaliyeed.