4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 28, 2020
Duqa Magaalada Toronto oo calanka Soomaaliya ka taagay Hoolka Magaalada si loogu xuso maalinta xorriyadda Soomaaliya


Axad, Juun 28, 2020 (HOL) - Duqa Magaalada Toronto ayaa calanka Soomaaliya ka taagay Hoolka Magaalada Toronto jimcihii lasoo dhaafay si loogu xuso Maalinta xurriyada Soomaaliyeed.

Duqa magaalada John Tory waxaa ku weheliyey Faysal Xasan oo katirsan siyaasiyiinta Soomaalida Kanada islamarkaana xubin ka ah Golaha Sharci dejinta ee gobolka Ontaariyo iyo xildhibaan Yvan Baker.

Duqa magaalada John Tory ayaa sheegay in waxa ugu horreeya ee uu ka arko bulshada ay tahay doorka qoyska, inta badan hooyooyinka Soomaaliyeed.

Faysal Xasan, ayaa weydiistay dowlada Kanada inay aqoonsato kaalmada dhaqaale, bulshada iyo dhaqanka ee Soomaalida-Kanadiyaanka ku nool gobolka Ontaariyo.
 
Duqa magaalada Toronto ayaa u mahadnaqay bulshada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Toronto gaar ahaan ururka TODAY oo soo qayban-qaabiyey kulankaan lagu xusayo maalinta xurnimada dalka Soomaaliya

Faysal Xasan ayaa ah qofki ugu horreeyay ee Somali-Canadian ee loo doorto baarlamaanka gobolka Ontario.  "Maanta waxaan u dabaal dagaynaa xorriyadda, taas oo dad badan oo Soomaali ah ay u dirireen, hadana waxaa la joogaa waqtigii aan ka fekeri lahayn mustaqbalka,” ayuu yidhi xildhibaan Faisal Xasan.
 
Magaalada Toronto ayaa waxaa ku nool Soomaalida uga badan ee ku nool dalkan Kanada.

Sanadihii la soo dhaafay, Soomaali-Kanadiyaanku waxay u dabaaldegi jireen madax-bannaanida Soomaaliya. Balse aafada COVID-19 darteed, waxaa inta badan la joojiyay xafladihii la isugu imaan jiray xuska iyo tartamadii loo qaban jiray maalmaha qaran.

Munaasabadda sanadkaan ayaa astaan u ahayd sannad-guuradii 30-aad ee Toddobaadka Soomaalida.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]