3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 26, 2020
Ciidamada Kumaadoosta Soomaaliya oo howl-gallo si gaar ah uga wada Gobolka Shabeellada hoose
 

Jimco, Juun 26, 2020 (HOL) - Deegaannada ay kamid ka yihiin Shaam, Yuumbis, Mubaarak iyo Tooratoorow oo dhammaan ka tirsan Gobolka Shabeellada hoose ee Koonfur galbeed Soomaaliya ayaa waxaa ka jira dhaq-dhaqaaq ay sameynayaan ciidamada dowladda faderaalka ah gaar ahaan kuwa kumaandooska ah ee DANAB.

Sidoo kale waxaa howl-galkaan qeyb ka ah Ciidamada Gor-gor sida ay innoo xajiijiyeen ilo ku dhow dhow ciidamada dowladda Soomaaliya .

Saraakiisha Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa waxay sheegeen in ay howl-galkaas kusoo furteen hub iyo saanad ciidan oo ay Al-shabaab lahaayeen, laakiin warkaasi ma jiraan ilo madax bannaan oo xaqiijinaya .

Billowgii isbuucaan ayeey aheyd markii ciidamada Kumaandoosta ah ee Danab ay la wareegeen tuulooyin hoos yimaada degmada Marka , halkaas oo ay Al-shabaab maamulayeen.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
6/26/2020 7:28 AM EST
Jimco, Juun 26, 2020 (HOL) - Kulankan oo looga gol lahaa sidii gaadiidka gargaarka degdega ah loogu iibin lahaa isbitaalka Laascaanood ayaa waxaa ka soo qayb galay inta badan ganacsatada, Shirkadaha, masuuliyiin iyo waxgaradba ayaa halkaasi lagaga dhawaaqay dhaqaale iyo gaadiidba.

6/26/2020 5:40 AM EST
Jimco, Juun 26, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Maamulka Soomaaliyeed ee Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa waxa uu kulan la qaatay odoyaal iyo wax-garad kasoo kala jeedo beelo walaalo ah oo dhowaan ku dagaallamay xadka ay wadaagaan Gobolka Hiiraan ee Soomaaliya iyo Gobolka Shabeelle oo ah dhulka Soomaaliyeed ee Itoobiya raacsan.

6/26/2020 5:25 AM EST
Jimco, Juun 26, 2020 (HOL) - Ciidamada qalabka sida ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxay sheegeen in ay dileen sargaal sare oo ka tirsan Al-shabaab oo aan Soomaali aheyn, islamarkaana u qaabilsanaa dhinaca tababarka ciidamada , kadib dagaallo ka dhacay dhowr deegaan oo ka tirsan Gobolada dhexe sida uu baahiyahay raadiyaha Ciidamada dowladda ee SNA.

6/26/2020 4:56 AM EST
Jimco, Juun 26, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni, ayaa qasriga Madaxtooyada waqooyiga Gaalkacayo ku qaabilay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo wafdi uu hoggaaminayo.