4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 24, 2020
Guddoomiyaha aqalka sare oo sheegay in la marin habaabiyay xeerarkii dhameystirka sharciyada doorashooyinka Soomaaliya
 

Arbaco, Juun 24, 2020 (HOL) - Guddoomiyaha aqalka sare ee barlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in la marin habaabiyay oo wax ka bedel lagu sameeyay afar xeer oo ku saabsanaa dhameystirka sharciyadda doorashooyinka Soomaaliya.

Bayaan kasoo baxay guddoomiyaha ayaa lagu sheegay in afarta xeer oo ay soo diyaariyeen guddi ka kooban labada aqal ee barlamaanka, in 17 bishaan june loo gudbiyay golaha shacabka, iyagoo aan ahayn xeerarkii rasmiga ahaa.

Gudoomiyuhu wuxuu tilmaamay in xeerarkaas la marin habaabiyay ay haatan doodoodu ka socoto golaha shacabka, islamarkaana ujeedada laga leeyahay ay tahay in lagu gaaro go’aano siyaasadeed oo lagu dilayo sharciyadda doorashooyinka.

Wuxuu ka digay cawaaqib xumada ka dhalankarta ka been abuurashada afarta xeer. Wuxuu golaha shacabka ugu baaqay in si degdeg ah dib loogu noqdo nuqulkii asalka ahaa ee guddiga wadajirka ahi usoo gudbiyeen labada aqal.

Guddoomiyaha aqalka sare ayaa faray guddoomiyaha guddiga doorashooyinka in aysan doorashada qaran u isticmaali Karin go’aan kasta oo kasoo baxa barlamaanka aqalka hoose oo si gaar ah ugu saabsan xeerarka hadda laga doodayo.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]