3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 31, 2020
Wasiirkii beeraha Zimbabwe oo u geeriyooday Covid-19
 

Jimco, Luulyo 31, 2020 (HOL) - Wasiirkii beeraha ee dalka Zimbabwe Perence Shiri ayaa u geeriyooday xanuunka Covid-19, sida lagasoo xigtay war uu soo saaray madaxweynaha waddankaas, oo sidoo kale shacabka u diray farriin tacsi ah gelinkii dembe ee Khamiista .

Wargeyska Dowladda ee Herald ayaa baahiyay hadalka madaxweynaha, iyadoo intaa lagu daray in xaaladda wasiirku ay liidatay, xanuunkana uu si adag ayuu ula fal-galay hab dhiskiisa neefsashada.

Maanta oo jimcaha ayaa meydka Mr Shiri la aasi doonaa , iyadoo la raacayo habkii talo bixinta hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, sida uu mar kale sheegay madaxweyne Mnangagwa.

Wasiirka oo 65 jir ahaa ayaa ku geeriyooday Cusbitaal gaar loo leeyahay oo ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Harare.

Wararka sidoo kale laga helayo waaxda adeegga caafimaadka ee Zimbabwe ayaa sheegaya in darawalka wasiirka geeriyooday uu hadda ku jiro xaalad kabasho ah, kadib markii uu isagana qaaday xanuunka Coronavirus.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
7/31/2020 11:03 AM EST
Jimco, Luulyo 31, 2020 (HOL) - Shacab weynaha ku nool degmooyinka iyo deegaanada gobolka Hiiraan, sida Baledweyne, Buula burte, Jalalaqsi, Matabaan iyo Maxaas ayaa maanta si weyn u ciiday maalinta koowaad ee Ciidul Adxaa.

7/31/2020 4:43 AM EST
Jimco, Luulyo 31, 2020 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo khudbad jeediyay munaasabadda Ciidda Carafo awgeed ayaa waxa uu sheegay in Soomaaliya ay la daalaa-dhaceyso laba caqabadood oo xooggan oo kala ah xanuunka Covid-19 iyo ammaanka oo liita meelo kamid ah dalka.

7/31/2020 4:25 AM EST
Jimco, Luulyo 31, 2020 (HOL) - Madaxweynaha dalka Ivory Coast Alassane Ouattara ayaa wasiirkii difaaca dowladdiisa u magacaabay, ra’iisul wasaaraha waddankaas.

7/31/2020 3:38 AM EST
Jimco, Luulyo 31, 2020 (HOL) - Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka hadlay xaaladda siyaasadda ee Soomaaliya ayaa waxa uu ka digay in la baajiyo shirka 15-ka Agoosto oo loo madlanyahay inuu ka qabsoomo magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Soomaaliyeed ee Galmudug.

7/31/2020 2:50 AM EST
Jimco, Luulyo 31, 2020 (HOL) - Kooxda u doodda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa ugu baaqday Mareykanka inuu magdhow siiyo dhibanayaasha rayidka ah iyo qoysaska ay saameeyeen duqeymaha cirka ee Soomaaliya.