4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 29, 2020
Cabsi xoogan oo laga qabo inuu Fatahaad ka sameeyo Wabiga Shabelle Magaalada Baledweyne oo korortay
 

Arbaco, Luulyo 29, 2020 (HOL) - Dadka ku dhaqan magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa walaac xoogan ka muujinayo biyo aad u fara badan uu wado Wabiga Shabelle oo dhexmara magaalada Baledweyne.

Cabsida fataahada ay ka qabaan bulshada Baledweyne ayaa siyaaday kadib markii ay curteen roobabkii xiliga deyrta, oo maalmahan ka da'ayay Baledweyne iyo nawaaxigiisa iyo waliba dhulka sarre ee dalka Itoobiya.

Xaafadaha Howlwadaag iyo Xaawo-taako ayaa ah xaafadaha ugu daran ee hadda qarka u saaran in laga barakaco, madama labadaasi xaafadood ay ku yaalan laba kili oo markuu wabiga biya keeno ay ku baxaan biyo aad u fara badan kuwaas oo sababa in labadaasi xaafadod ay noqdaan xaafadaha ugu horeeya ee biyaha wabiga Shabelle looga barakaco.

Cabsida fatahaadan ayaa imaaneysa xili wali aysan kasoo kabsanin dadka shacabka ah khasaaraahii kasoo gaaray fatahaadii lasoo dhaafay oo baledweyne ku dhufatay dhamaadkii bishii April ee sanadkan 2020, markaas oo guud ahaan xaafadaha magaalada baledweyne looga barakacay fatahaad uu sameyay wabiga Shabelle.

Guddiga gurmadka fatahaada baledweyne oo iyaga gacanta ku haayo lacag ka badan hal milyan oo dollar oo loogu talo galay ka hortaga iyo la tacaalista wax ka qabashada fataahadaha ayaa wali wax war ah kasoo saarin walaaca xoogan ee la soo darsay shacabka reer Baledweyne oo markale saddex bilood kadib wajahaya barakac kale.

Hiiraan Online News Disk