3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 26, 2020
Xayiraadda isgaarsiinta internetka ee Soomaaliya ayaa u muuqata mid si 'ku talagal' ah loo sameeyay

Axad, Luulyo 26, 2020 (HOL) - Qadka internet-ka ee inta badan koonfurta Soomaaliya ayaa jarnaa Axaddii, sida ay sheegeen dad nala soo xiriiray oo ku nool gudaha Soomaaliya iyo kooxo madax-bannaan oo isku howla arrimaha Xuquuqda Dijitaalka, amniga iyo maamulka internetka.

Netblocks ayaa sheegay in xogta shabakadooda ay kaydiyeen ay ku ogaadeen in internet-ka la jaray 10:30 subaxnimo xilliga Soomaaliya, iyadoo inta badan magaalada Muqdisho uu qadku ka maqnaa.

Joojinta internetka ayaa imanaya maalin uun kadib markii baarlamaanka Soomaaliya ay kalsoonida kala noqdeen ra'iisul wasaarihii hore Xasan Cali Khayre. Dalalka ugu waaweyn ee taageera Soomaaliya sida Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa labaduba dhalleeceeyay tallaabada xilka looga qaaday ra’isulwasaarihii hore, iyagoona ku tilmaamay mid aan waxtar u laheyn hanaanka horumarka iyo xasiloonida siyaasadeed ee Soomaaliya.

Netblocks ayaa sheegaya in falanqayn horudhac ah oo ay sameeyeen ay muujinayso in internetka la jaray isla markaasna go'itaanka internetka uusan ka dhalan shil, iyagoo tilmaamay in adeegga la jaray uu u muuqdo mid ula kac ah."Dhacdadani waxay leedahay saameyn heer qaran ah, waxayna sidoo kale u muuqataa mid si ula kac ah u dhacday, maqnaanshiyaha internet ma ahan dhacdo caalamka intiisa kale ka jirta, mana ahan arrin ka dhalatay farsamo ama weerar dhanka internetka ah."

Hadal qoraal ah oo ay soo saartay shirkadda ugu weyn adeegga isgaarsiinta Soomaaliya ee Hormuud,  ayaa maqnaanshiyaha internetka ka bixiyey sharaxaad ka duwan midda Netblocks iyagoona sheegay in xaaladdo ka dhashay dabaysha Badweynta Hindiya ay sababtay go’itaanka internetka.

Shirkadda Hormuud ayaa sheegtay in qiimeyn ay sameyeen ay muujineyso in fiilada badda hoosteeda marta ay ku timid cilad kadib markii dabeylo ay ku dhufteen xeebaha Soomaaliya ee Badweynta Hindiya, dabeyashaas oo ay shegeen inay waxyeelo u geysteen qalabka isgaarsiinta ee badda hoosteeda mara.

Shirkadda Hormuud waxay intaas ku dartay in shaqaalaheeda dayactirka ay ka shaqeynayaan sidii loo soo celin lahaa adeegga internetka.

Wasiirka isgaarsiinta Somaaliya Cabdi Canshuur ayaa dhankiisa ka xaqiijiyey inuu maqan yahay qadkii internetka ee koonfurta iyo bartamaha Somalia, isagoona u sabab uga dhigay inay cilad soo wajahday “Waxaa socda baaritaan lagu ogaanayo halka ay ka timid cilada iyo waxa sababay, waxaana loo malaynaa in kaebellada badda soo mara ee internetka soo geliya Muqdisho ay ciladu ka timid, marka la ogaado cilada saameynteeda inta ay la eegtahay kadib ayaa loo dhaqaaqi doonaa in la xaliyo” ayuu yiri Wasiirka.

Si kastaba ha ahaatee, kooxdan u ololeeya arrimaha internetka ee Netblocks ayaa sheegay in xogtooda ay muujineyso in tani ay tahay mid aan horay uga dhicin Soomaaliya, gaar ahaan muddooyinkan dambe.

Bishii Juun 2018, markab ganacsi ee nooca xamuulka qaada ayaa jaray fiilo-fiber-optic- ah ee badda hoosteeda mara, midkaas oo sababay in qeybo badan oo ka mid ah koonfurta Soomaaliya ay ku dhacdo internet la’aan. Saraakiil xiligaas hadlay ayaa sheegay in qad la’aanta adeegga internet uu sababayey qasaare 10 milyan oo doolar maalintiiba.

Xayiraadda qadka internetka ma ahan mid ku cusub Africa. Inta badan dalal ku yaala qaaradda Afrika, ayay mas'uuliyiin badan  hore u hakiyeen adeegsiga internetka intii lagu guda jiray xaaladdo degdeg ah, mudaaharaadyo dowladdo looga soo horjeeday ama xiliyada ay socdaaan imtixaannadda qaran.













Click here
7/26/2020 5:31 PM EST
Axad, Luulyo 26, 2020 (HOL) - Midowga Yurub ayaa sharci-darro ku tilmaamay nidaamkii loo maray kalsooni kala-noqoshadii xukuumadddi Ra'iisul wasaare Xassan Cali Khayre,....

7/26/2020 12:44 PM EST
Axad, Luulyo 26, 2020 (HOL) - Baarlamaanka Puntland ayaa maanta laalay sharciyadda ay ku xiran yihiin maxaabiis burcadbadeednimo loo haysto oo tan iyo 2013 ku xiran xabsiga dhexe ee magaalada Garowe ee caasimadda maamul goboleedka Puntland.

7/26/2020 11:51 AM EST
Axad, Luulyo 26, 2020 (HOL) - Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Aadan oo ah guddoomiyaha madasha xisbiyada midoobay ee Hiigsi ayaa soo dhoweysay xil ka qaadistii raysal Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo xukuumadiisa oo uu shalay barlamaanka riday.

7/26/2020 3:17 AM EST
Axad, Luulyo 26, 2020 (HOL) - Safaaradda Mareykanka ayaa walaac xoogan ka muujisay ficilladii Aqalka Hoose ee baarlamaanka ay meesha uga saareen kalsoonidii ay ku qabeen Ra'iisul Wasaare Cali Xasan Khayre iyo dowladdiisa, taasoo sii kordhisay xiisada siyaasadeed isla markaana wiiqeysa hanaankii wadahadalka ee u dhexeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowladaha xubinta ka ah Federaalka iyo daneeyayaasha kale ee muhiimka ah.