4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 9 , 2020
Culimadda gobolka Awdal oo sheegay inay markhaati ku filan u hayaan diintii uu caayey badhasaabka gobolka Awdal

 

Axad, Feberaayo, 09, 2029 (HOL)-Culimada gobolka Awdal oo ay wehelinayan guddida wanaagfarista iyo xumaan reebista gobolkaasi ayaa sheegay inay markhaati u haystaan diintii uu aflagaadeeyey badhasaabka gobolka Awdal Cabdiraxmaan Axmed Cali.

Culimada gobolka Awdal ayaa baaq ka soo saaray, waxaanay sheegeen inay hay’adaha ay khuseeyeen u gudbiyeen aflagaadada uu kula kacay diinta Islaamka.

Gudida wanaag farista gobolka Awdal ayaa arrintaasi qodobadan ka soo saaray:

1. In arrintaasi diin cay yahay gaalnimo diinta lagaga baxayo sida culimada islaamku sheegeen.

2. Waxay culimadu xoojinayan oo ay cadaynayaan inay markhaatiyaal ka badan intii loo baahna ay u hayan arrintaasi.

3. Arrintani waa arrin diini ah oo shaqo ku lahayn siyaasad iyo qabiil toonna

4. Guddida wanaag faristu iyadoo gudanaysa waajibeedkeeda diineed iyo midka qaran ay gudbiyaan dambigan hay’adaha ay khuseyso baadhitaan dheer ka dib.

5. Waxay ugu baaqayaan culimada waaweyn ee dalku in ay si dhow ula socdaan arrintan iyada ah.

Dhinaca kale, xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ayaa soo jeediyey in la ixiraamo culimada oo dhowaaqa ka soo yeedhay la tixgaliyo, isla markaana sheegay in hadii ay iyagu xilka hayeeen lahaayeen u dhego fududaan lahayeen oo hadii wasiir wax ka sheegaan markiiba xilka laga qaadi lahaa.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.