4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 8 , 2020
Bosaso: Arday farriin culus u dirtay madaxweyne Deni iyo wasiirkiisa waxbarashada
        

Sabti, Feberaayo, 08, 2020 (HOL)- Ardayda wax ka barata dugsiga sare ee Bosaso Public secondary school oo kamid ah dugsiyada dowliga ah ee Puntland, ayaa sheegay inay u baahan yihiin shahaadada dowladda Soomaaliya bixiso, Puntlandna aysan ku ciyaarin mustaqbalka arday muddo 12 sanno wax soo baranayay.

Ardayda ayaa hadalkaan saxaafada ka sheegay wax yar kadib, markii uu dugsigaas booqasho ku tagay wasiirka waxbarashada Puntland oo ardayda kala hadlayay inaanay welwel ka muujin arinta shahaadada ayna ku kalsoonaadaan maamulkooda.

Balse, ardayda oo fursad u helay inay si gaar ah ula hadlaan cod baahiyaha warbaahinta ayaa sheegay inay doonayaan in ay lamid noqdaan ardayda kale ee Soomaaliyeed islamarkaana ay la galaan hal imtixaan oo midaysan.

Waxay ardaydu walaac weyn ka muujiyeen khilaafka waxbarashada ee labada dhinac, iyagoo caddeeyay in aanay diyaar u ahayn in mustaqbalkooda muran la galiyo ayna kasoo horjeedaan wax walba oo dhaawacaya himiladooda iyo midnimada Soomaaliyeed.

Tan iyo markii uu bilowday khilaafka dhinaca waxbarashada Puntland iyo dowladda federalka, arday badan oo Puntland wax ku barta ayay walaac xoogan ku abuurtay arrintaan, waxaana sidoo kale lamid ah waaladiinta ilmahooda garab taagnaa mudadaas.

Hiiraan Online, Muqdisho