3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 14, 2020
Odayaal laga soo xidhxidhay magaalada Wajaale ka dib markii banaan bax sameeyeen

 

Jimco, Febraayo 14, 2020 (HOL )– in ku dhow 19 qof oo iskugu jira odayaal iyo ganacsatado ayaa lagu xidhay magaalada Wajaale ka dib markii ay banaan bax ku sameeyeen dhul banaan oo wasaarada Gaadiidka ka dhisanayey duleedka Bari ee magaalada Wajaale.

Odayaashan ayaa dhagaxaantii la dhigay goobta kala daadiyey,isla markaana sheegay in dhulkan oo xabaalihii Wajaale ah la iibinayo,isla markaana ka soo horjeestay dhismaha goobtan banaan oo la jaar ah xabaalaha Tog wajaale, iyadoo ku doodaya in dhulkani yahay dhulkii Xabaalaha ee madaxweyne Siilaanyo ka dhigay goob xabaalo ah.

Badhasaabka gobolka Gabiley, maamulka degmada Wajaale iyo wasaaradda Gaadiidka oo goobta yimid ayaa sheegay in aan dhulkan la iibinayn ee laga dhisayo goob baabuurta waaweyn ee rarka u sida Wajaale ama ka qaadaya lagu raro,isla markaana dhulkan ay dhisanayso wasaarada Gaadiidka.

 

Sidoo kale, waxay masuuliyiintani sheegeen in odayaashaasi wixii laga dhisayey ka been sheegay in sharciga lala tiigsanayo si ay u cadeeyaan iibka ay ku dhulkan ku sheeegaan.

Odayaashan 19 qof ka kooban ayaa xabsiga Gabiley loo soo dhaadhiciyey, kuwaas oo lagu eedeeyey in warar aan jirin warbaahinta ka sheegeen.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.












Click here
2/14/2020 12:47 PM EST
Jimco, Feberaayo,14,2020(HOL)-Duhurnimadii maanta ayaa lagu warhelay qayladhaan ay dad soo maray dooxada Ooda-gooye oo dacalka bari ku haysa magaalada Laascaanood xarunta gobolka Sool taas oo sheegayey gubashada dooxadaasi.

2/14/2020 8:01 AM EST
Jimco, Feberaayo, 14, 2020 (HOL)- Hoggaamiyaha Guud ee Ahlu Sunna Waljameeca Macalin Maxamuud Sheekh Xassan oo degmada Dhuusa-Mareeb kula hadlayay qaar ka mid ah taageerayaasha Ahlu Sunna ayaa sheegay in wixii hadda ka danbeeya ay ku qasbanaan doonaan sida uu hadalka u dhigay in ay hubkooda qaataan.

2/14/2020 7:46 AM EST
Jimco, Feberaayo, 14, 2020 (HOL)-Wasiirka arrimaha dibedda Saudi Arabia ayaa Khamiistii beeniyey warbixino sheegayey in laga yaabo inay kulmaan dhaxal-sugaha dalkaas Maxamed Bin Salmaan iyo ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu.

2/14/2020 2:33 AM EST
Jimco, Feberaayo, 14, 2020 (HOL)-Kulamo ay guddiyada sare ee Baniga adduunka iyo IMF yeesheen 12-13-kii Bishaan ayey uga doodeen dekumenti ay shaqaalaha bangiga adduunka iyo IMF ka diyaariyeen Soomaaliya, oo khuseeya hindisaha sare ee dalalka saboolka ah ee aad u deymeysan.

2/14/2020 12:07 AM EST
Jimco, Feberaayo, 14, 2020 (HOL)- Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Wareysi gaar ah siinayay TV Universal ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah, gaar ahaan ciidamada dowladdu ay geysay gobolka Gedo, fara-galinta Kenya iyo waliba doorashadii ka dhacday Jubbaland.