3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 1 , 2020
Duqii degmada Beledweyne Safiyo Xasan sheikh Cali oo xilka laga qaaday
 

Sabti, Agoosto 1, 2020 (HOL) - Wareegto kasoo baxday xafiiska wasiirka arrimaha gadaha iyo dowladaha hoose ee maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa xilkii looga qaaday duqii degmada Beledweyne Safiyo Xasan Shiikh Cali Jimcaale, waxaana xilkaasi loo magacaaby Nadar Tabaax maalin .

Duqa xilka laga qaaday ee Safiyo Xasan Shiikh ayaa waxay aheyd haweeneydii ugu horreysay oo xilkaas ka qabatay magaalada Beledweyne, wixii ka dembeeyay bur burka dowladdii dhexe ee Soomaaliya .

Dhinaca kale Nadar Tabaax Maalin, ayaa waxay kamid tahay siyaasiyiinta sida weyn looga yaqaanno Gobolka Hiiraan, waxayna dhaqdhaqaaq togan ku dhex laheyd siyaasadda dhowr iyo tobankii sano ee ugu dembeeyay.

Lama oga, wax-yaabaha keenay in xilka duqa degmada Beledweyne laga qaado Safiyo Xasan Shiikh Cali oo muddo ku siman sanad iyo siddeed bilood xilkaan soo haaysay. Laakiin xil ka qaadisteeda ayaa imaaneysa xilli maamulka Hirshabeelle ay doorasho kusoo wajahantahay.

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa waxa uu duqa cusub ee magacaaban Nadar Tabaax faray iney deg deg shaqada kula wareegto.


Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
8/1/2020 4:26 PM EST
Sabti, Agoosto 1, 2020 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed ee Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed “Lafta-gareen” ayaa waxa uu maanta xil ka qaadis ku sameeyay qaar kamid ah xubnaha Golaha wasiirradiisa, isagoo kuwa kalana magacaabay.

8/1/2020 3:16 PM EST
Sabti, Agoosto 1, 2020 (HOL) - Hay’adda duulista rayidka ah ee waddanka Tanzania (TCAA), ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay waxay dalkeeda uga mamnuucday duullimaadyadii diyaaradda Kenya Airways ay dib uga billaabi laheyd.

8/1/2020 11:14 AM EST
Sabti, Agoosto 1, 2020 (HOL) - Duqa cusub ee degmad Baledweyne ayaa maanta booqatay xaafada howlwadaag gaar ahaan laanta baacadaha waxayna agabka biyaha la isaga xiro ay ku wareejisay qoysas ku nool xaafadaasi si ay ula talacaan fatahaad si hordhac ah u saameysay qeybo ma mid ah xaafadasi.

8/1/2020 6:36 AM EST
Sabti, Agoosto 1, 2020 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor ayaa magacaabay xubnaha Galmudug ay ku leedahay guddiga ka shaqeyn doono arrimaha farsamada doorashada dalka ka dhici doonta.

8/1/2020 6:07 AM EST
Sabti, Agoosto 1, 2020 (HOL) - Dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta ka digay in dowladda federalku sameysato muddo kororsi xilligan kala guurka ah oo dalku isku diyaarinayo sidii doorashooyin qaran loo qaban qaabin lahaa.

8/1/2020 5:43 AM EST
Sabti, Agoosto 1, 2020 (HOL) - Xisbiga wadajir ayaa sharci darro ku tilmaamay xubnaha golaha adeegga garsoorka Soomaaliya oo ay anixisyeen golaha wasiiradda ee xukuumadii raysal wasaare Kheyre ee uu barlamaanka riday.

8/1/2020 1:51 AM EST
Sabti, Agoosto 1, 2020 (HOL) - Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Gaas ayaa ku eedeeyay nabaddoonada gobolka Mudug inay diideen inay ka qeyb qaataan kulan ku saabsanaa xoojinta amniga Gaalkacyo oo uu ku casuumay madaxweynaha Puntland.