4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 8 , 2020
Barakac maanta ka bilawday xaafado ka mid ah magaalada Beledweyne
 

Talaado, September 8, 2020 (HOL) - Boqolaal qoys ayaa maanta ka barakacay xaafado ka tirsan magaalada Beledweyne kadib markii uu wabiga Shabelle karkaarada ku jabsaday.

Xaafadaha Xaawo Taako iyo Kooshin ayaa ah xaafadaha ugu badan ee maanta laga barakacay waxaana la arkayay qoysaskii dagana xaafadahaasi oo u barakacaya goobo kala duwan oo aysan gaari karin biyaha wabiga Shabelle sida deegaanka Ceel-jaalle ee duleedka magaalada Beledweyne iyo xaafadaha kale ee taaga ah oo aysan biyaha gali karin ee ku yaala gudaha magaalada.

Dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay waxaa jiray dadaalo xoogan oo lagu doonayay in looga hortago fatahaad uu wabiga ka sameeyo gudaha magaalada inkasto aysan suurta galin, waxaasa xusid mudan in dadaaladaasi ay wali ku badqabaan xaafado kale oo looga barakici jiray fatahaadda wabiga Shabelle sida Xaafada bundaweyn oo inta badan wali aan laga barakicin.

Fatahaaddan maanta looga barakacay xaafado ka tirsan Beledweyne ayaa noqoneysa fatahaaddii saddaxaad muddo 10 bilood ah taasoo walaac xoogan ku abuurtay shacabka ku dhaqan magaalada Beledweyne.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]