4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 7 , 2020
Shir Nabadeed oo magaalada Adhi-cadeeye uga bilaabmay laba beelood iyo amaanka oo la adkeeyey
 

Isniin, September 7, 2020 (HOL) - Magaalada Adhi-cadeeye oo 30Km. Waqooyi kaga quman magaalada Laascaanood xarunta gobolka Sool ayaa shir nabadeed uga furmay, kaas oo qabanqaabadiisu mudooyinkii u danbeeyey ka soconayey gobolka.

Goobta shirku ka dhacayo oo duleedka magaalada ku taala ahna dugsi Farsamada gacanta ayaa amaankiisa aad loo sugay iyadoo ciidamada noocyadooda kala duwan ay qayb ka qaadanayaan, taas oo loo aanaynayo xiisad colaadeed oo degaankaasi ka dhacday.

Ka sokow labada ergo ee xiisada colaadeed ka dhexayso waxaa maanta munaasibada wadahadalada ka soo qayb galay masuuliyiin ay ka mid ahaayeen wasiirka Arimaha Debeda, wasiirka Warfaafinta iyo Taliyaha Ciidanka Badda, masuuliyiin heer gobol iyo degmo, culimida, aqoonyahan, waxgarad iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Munaasibada furitaanka oo dadkii ka hadlay ay u badnaayeen ujeedadoodu dardaaran walow ay jireen qaar hadalo adag u soo jeediyey labada dhinac.

Masuuliyiinta Xukuumada ayaa balan qaaday in ay wixii go'aan ah ee ay soo saaraan fulinteeda ay iyagu masuul ka yihiin, gudiyadana looga baahan yahay in ay go'aan bulshada dan u ah ka soo saaraan shirka.

Colaada dhowaan ka dhacday degaanada Jidbaale iyo Boocda ayaa waxaa daba yaal xalinta dhacdooyin qaarkood 30 sano ku dhow yihiin.

Si kastaba ha ahaatee xal ka gaadhista utunaha labadan beelood ayaa waxay saamayn ku yeelanayaan degaano badan oo ku baahsan illaa sadex gobol oo labadan beelood ay wada degeen.

Hadal haynta baraha bulshada ayay ugu badan tahay iyadoo bulshadu ay saadaal xoogleh ka muujinayaan in uu guul ku dhamaado in loo gudbo beelo iyaguna Adhicadeeye ku dhex martay loo gudbona saadaasha ayay ka mid tahay.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood