4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 6 , 2020
Rag hubeysan oo xalay wiil dhalinyaro ah ku dilay xaafadda Buula xuubey
 

Axad, September 6, 2020 (HOL) - Rag hubeysan oo la aaminsanyahay iney ahaayeen burcad ayaa wiil dhalinyaro ah xalay ku dilay xaafadda Buula Xuubey oo ka tirsan degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, kadibna waxay ka qaateen teleefankii gacanta iyo agab kale uu watay.

Goobjoogayaal aan ka fogeyn halka lagu toogtay  ayaa warbaahinta Muqdisho u sheegay in dilka ka hor , wiilka iyo kooxaha wax dilay oo la tuhunsanaa iney  dhacayeen ay murmeen, kadibna dhowr xabadood ay ku dhufteen.

Wiilka dhalinyarada ah ee la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Axmed Xuseen, waxaana dilka kadib goobtii uu falkaas ka dhacay soo gaaray ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, iyagoo billaabay howl-gallo lagu doonayo in lagusoo qabto kooxahii dilka geystay.

Marxuumka geeriyooday ayaa dadka yaqaanna waxay ku sheegeen inuu ahaa nin dhalinyaro ah oo aad ugu fir fircoon waxbarashada, islamarkaana doonayay inuu ka gaaro heer aad u sarreeya tacliinta.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]