4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 5 , 2020
Taliska Booliska Magaalada Beledweyne oo soo saaray Amaro cusub
 

Sabti, September 5, 2020 (HOL) - Taliska Ciidamada Booliska magaalada Beledweyne ayaa soo saaray amaro xasaasi ah oo lagu mamnuucayo gadiidka leh muraayaddaha madmadow ee lagu dhex kaxeeyo gudaha magaalada Beledweyne.

Taliska ayaa uga digay gadiidleyda ka dhex shaqeysata gudaha magaalada Beledweyne iyo kuwa safarada kuso gala in maanta waxii ka dambeeya gudaha Beledweyne aysan ku dhex kaxeyn karin gaari ay ku dhagan yihiin ama leh muraayaddaha madow Ayuu yiri "Taliyaha Booliska Saldhiga Beledweyne Maxamed Maxamuud (Qoorsheel)

Waxa sidoo kale ka mid ahaa amarada maanta kasoo baxay Taliska Booliska Beledweyne inaan gadiidka la dhigan karin baakin ahaan inta u dhaxeysa xarunta maamulka gobolka iyo Bacadlayaasha ragga.

Taliye Qoorsheel ayaa awaamiirtan ay maanta soo saareen ku sheegay in looga gol leeyahay xaqiijinta amniga degmada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]