4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 5 , 2020
Nin kamid ah shaqaalaha xoogsatada oo Garowe lagu dilay

Sabti, September 5, 2020 (HOL) - Ciiltire Yaasiin Cumar oo kamid ahaa shaqaalaha xoogsatada ah ee ku shaqeysta xiradda Fuundinimada ayaa maanta barqadii lagu dilay magaalada Garowe ee caasimadda Puntand.

Dilkiisa waxaa la sheegay inuu ka dambeeyay nin ku hubaysan bistoolad oo Qaadwade ah, kaasoo u dilay caro ka dhalatay ciriiri wadada ka jiray waqtigaas oo ahayd xilli barqo ah.

Qoyskiisa ayaa diiday in la aaso, iyagoo dalbaday in gacanta lagusoo dhigo gacan ku dhiig lihii falkaan ka dambeeyay oo goobta isaga baxsaday markii uu falku dhacay.

Saraakiil katirsan laamaha amniga ayaa u sheegay HOL, in ciidamo loo diray dambiilaha si gacanta loogusoo dhigo.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]