4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 4 , 2020
Ciidamada dowladda oo sheegay in xubno kamid ah Al-shabaab ay ku dileen deegaanno ku dhow Bariirre
 

Jimco, September 4, 2020 (HOL) - Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, gaar ahaan qeybta 143-aad, guutada 14-ka October ayaa waxay sheegeen in howl-gal ay ka sameeyeen deegaanno hoostaga Bariire oo ka tirsan Shabeellada hoose ay ku dileen xubno kamid ah Al-shabaab, sidoo kalana waxay kasoo saareen miinooyin lagu aasay waddada u dhexeysa Bariire iyo No.50.

Howl-galkaan ayaa waxay ku tilmaameen inuu ahaa mid lagu xaqiijinayo ammaanka Gobolka Shabeellada hoose, dowladda Soomaaliyana ay ku dadaaleyso sidii kala dembeynta ay ugu ilaalin laheyd.

Ciidamada Soomaaliya ayaa bilihii ugu dembeeyay ku jiray howl-gallo ka dhan ah Al-shabaab oo ka socday Gobolkaas kheyraadka beeraha iyo xoolaha caanka ku ah ee ka tirsan maamulka Koonfur galbeed ee Soomaaliya .

Saraakiisha militariga ah ee Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta Muqdisho ayaa waxay tilmaameen iney sii wadayaan howl-gallada la xiriira arrimaha ammaanka.

Ciidamada dowladda ee howl-gallada kala duwan ka sameeya Gobolka Shabeellada hoose ayaa waxay weerraro kala kulmaan mararka qaar Al-shabaab.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]