4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 4 , 2020
Deni oo xubnaha Puntland ku metala dowladda dhexe kula shiray Muqdisho

Jimco, September 4, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxa uu magaalada Muqdisho kula kulmay xubnaha dowlad goboleedkaas ku metala Goleyaasha dowladda faderaalka ah ee Soomaaliya sida Baarlamaannada dalka iyo Golaha wasiirrada.

Kulanka oo ahaa mid casho sharaf ah ayaa waxay dhinacyadan ka wada hadleen xaaladda Soomaaliya iyo marxaladda kala guurka ah iyo sidii madaxweynaha Puntland Saciid Deni uu tafaasiil dheeraad ah uga siin lahaa qeybaha uu la kulmay socdaalkiisa Muqdisho.

“Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni wuxuu kulan heer sare ah la qaatay goleyaasha Puntland ku metala dowladda dhexe, waxa uuna kala hadlay xaaladda siyaasadda dalka iyo meesha ay wax marayaan” ayuu warbaahinta u sheegay Jaamac Dabaraani oo ah Afhayeenka madaxtooyada Puntland.

Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxa uu kulamo kala duwan magaalada Muqdisho kula qaatay intii uu joogay siyaasiyiin Soomaaliyeed iyo xubno ka tirsan beesha Caalamka waxa uuna dhammaan kala hadlay socdaalka Muqdisho iyo xaaladda siyaasadda ee dalka.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]