4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 3 , 2020
Gaadiid fara badan oo xamuul ah oo ku xayiran duleedka Wanlaweyn, kadib markii ay sheegeen in lagusoo rogay canshuur dheeraad ah
 

Khamiis, September 3, 2020 (HOL) - Wararka laga helayo degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellada hoose ayaa waxay sheegayaan  in ku dhowaad 60 gawaarida xamuulka ah ay ku xayiranyihiin halkaas,  kadib markii la sheegay in canshuur dheeraad ah uu kusoo rogay maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

Qaar kamid ah wadayaasha gawaaridan ayaa waxay u sheegeen warbaahinta maxalliga ah ee Muqdisho in ciidamo ka tirsan kuwa daraawiishta ee maamulkaas ay ku soo rogeen iney bixiyaan lacago dheeraad ah.

Inta badan gawaaridan xayirayan ayaa waxay badeecooyin kala duwan ka qaadeen magaalada Muqdisho, waxayna kusii jeedeen qaar kamid ah Gobollada dalka.

Waxaan isku day xiriirro ah aan la sameynay maamulka Koonfur galbeed si aan wax badan uga weydiinno wararkaan ku aaddan lacagahan ay ka cabanayaan gaadiidleyda Wanlaweyn ku xayiran, hase-ahaatee innooma suura-gelin inaan helno.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]