4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 3 , 2020
Puntland oo siidaysay 6 nin loo haystay kufsi iyo dil sanad ka hor ka dhacay Garowe
 

Khamiis, September 3, 2020 (HOL) - Maxkamad kutaala Puntland ayaa siidaysay 6 nin oo qeyb ka ahaa 7 eedeesane oo muddo sanad ka badan u xirnaa dil iyo kufsi Garowe loogu geystay haweenay.

Ragga lasii daayay ayay maxkamadu ku weyday wax dambi ah, hase yeeshee qofka todobaad oo horey u bixiyay wareysiyo uu ku qiranayo inuu falkaas ku lug lahaa ayaa maxkamadu amartay in baaritaan lagu sameeyo.

Qoyska dhibbanaha ayaa kasoo horjeestay go’aanka maxkamada, iyagoo sheegay in garsoorka iyo laamaha amnigu dayaceen kiiskaan islamarkaana si fudud lagusii daayay eedeesanayaasha.

Qoyska waxay racfaan ka qaateen go’aanka maxkamada, waxayna sheegeen inay inay dadaal dheer u galidoonaan sidii ay cadaalad ku heli lahayd marxuumada.

Puntland ayaa horey ugu guulaysatay inay cadaalada horkeento laguna fuliyo raggii ka dambeeyay kufsigii iyo dilkii loo geystay Caaisha Ilyaas.

Balse, kiiskaan dambe ayaa u muuqda mid laamaha amnigu weli ku guulaysan waayeen inay helaan caddeymo rasmi ah.

Nin kamid ah ragga kiiska loo hayo oo markii hore qirtay inuu kiiska ku lug lahaa, ayaa markii dambe iska fogeeyay isagoo sheegay in la qasbay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]