4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 28, 2020
Cabdiweli Gaas "waa nasiib xumo in dalal Carbeed ay doorashada Soomaaliya saameyn ku yeeshaan"
 

Isniin, September 28, 2020 (HOL) - Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya sidoo kalana soo noqday madaxweynaha maamulka Puntalnd Cabdiweli Maxamed Cali "Gaas" ayaa nasiib-darro ku tilmaamay fara-gelin mutaxan ee uu sheegay iney Soomaaliya ku hayaan dalalka Carabta qaarkood.

Gaas ayaa sheegay in doorashooyinka Soomaaliya ay saameyn ku leeyihiin qaar kamid ah dalalka Khaliijka,  sida Qatar, Sacuudiga iyo Imaaraadka.  Isagoo qeexay iney lacago badan ku bixiyaan musharraxiinta,  si ay usoo saaraan ciddii ay siyaasad ahaan la dhacsanyihiin.

'Waxaa nasiib xuma ah in dalalkaas ay saameyn ku yeeshaan doorashooyinka Soomaaliya " ayuu Gaas u sheegay Telefashinka Somali Cable oo ku wareystay magaalada Nairobi.

Waxa uu ka hadlay masuq-maasuqa dhowr goor oo hore lagu eedeeyay inuu dhaco, xilliyada ay doorashooyinka dalka dhacayaan,  waxa uuna hoosta ka xariiqay inuu wax badan ka go'aamiyay ergooyinkii 51-ka ahaa ee doorashadii hore,  balse la musuqay qudhooda,  hase-ahaatee wuxuu rajo badan geliyay in ergada 101-da ah,  hadda aan la musuq-maasuqi karin.

Hadalka Cabdiweli Gaas ayaa kusoo aadaya xilli Soomaaliya ay isku diyaarineyso doorashooyin bilaha soo socda dalka ka qabsoomi doona.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]