4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 27, 2020
Maamulka gobolka Hiiraan oo balan qaaday dhismaha Buundooyin muhiim ah


Axad, September 27, 2020 (HOL) - Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa balan qaaday dhismaha Buundooyin burbursan oo muhiim ah in la dayactiro kuwaas oo ku yaala waddada laamiga ah gaar ahaan Buundooyinka Beergidiid iyo Saalax Jeere oo dhinaca waqooyi ee Baledweyne uga beegan ilaa 28KM.

Guddoomiye Cali Jeyte ayaa Bundooyinkan burbursan arkay xili uu safar dhinaca dhulka aha ku gaaray deegaanka Beergidiid ee dhaca dhinaca waqooyi degmada Baledweyne halkaas oo uu kaga qeyb galayay gogol nabbadeed oo lagu heshiisinayay beelo walaalo ah oo dhawaan dagaal ku dhexmaray tuulooyin hoos yimaada degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Cali Jeyte Cismaan ayaa sidoo kale ku amray Hay'addaha ka howlgala magaalada Baledweyne iney ka qeyb qaataan dhismaha Buundooyinka burbursan ee muhiimka u ah isku socodka goboladda waqooyi iyo kuwa koofureed ee dalka.

Buundooyinkan ayaa ah kuwa aad u burbursan oo aanan wax dayactir ah lagu sameynin waxii ka dambeyay tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee dalka sanadka markuu ahaa 1991-kii.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]