10/23/2020
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 26, 2020
Axmed Madoobe oo soo dhoweeyay go'aankii Baarlamanka labada aqal


 

Sabti, September 26, 2020 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa waxa uu soo dhoweeyay hannaankii labada aqal ee Baarlamanka Soomaaliya uu ku meelmariyay heshiiskii doorashooyinka dalka.

Axmed Madoobe ayaa waxa uu sheegay in guul taariikhi ah maanta ay qoreen xildhibaannada,  waxa uuna intaa ku daray in la waajaho fulinta heshiiska.

'Baarlamanka waxay sameeyeen arrin wanaagaan,  waxaa loo baahanyahay,  in la billaabo fulinta maadaana dalkaan uu khibrad u leeyahay doorashooyinka ' ayuu yiri Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa waxa uu hadalkiisa soo dhoweynta ah kusoo aadayaa daqiiqado kadib markii heshiiskii lagu gaaray Moqadisho ay meel mariyeen xubnaha Baarlamanka labada aqal.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
9/26/2020 10:11 AM EST
Sabti, September 26, 2020 (HOL) - Qaar kamid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa si weyn waxay qaarkood usoo dhoweeyeen go'aankii maanta Baarlamanka labada aqal ee Soomaaliya ay ku ansixiyeen heshiiskii doorashooyinka ee dalka.

9/26/2020 7:35 AM EST
Sabti, September 26, 2020 (HOL) - Labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Heshiiska siyaasadeed ee doorashada Soomaaliya.

9/26/2020 5:50 AM EST
Sabti, September 26, 2020 (HOL) - Barlamaanka labada aqal ee Soomaaliya ayaa loo qeybiyay nuqulka heshiiska doorashada ee ay kala saxiixdeen dowladda federalka Soomaaliya iyo dowladdaha xubnaha ka ah, iyadoo lagu lifaaqay codsi madaxweynuhu ku doonayo in ay barlamaanku meel mariyaan.

9/26/2020 1:14 AM EST
Sabti, September 26, 2020 (HOL) - Wasaaradda arrimaha dibedda Maraykanka ayaa sheegtay dib-u-heshiisiinta dhammaan daneeyeyaasha arrimaha Soomaaliya in ay fure u tahay nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya.

9/26/2020 1:12 AM EST
Sabti, September 26, 2020 (HOL) - Labada aqal ee barlamaanka Soomaaliya, ayaa markii ugu horeysay muddo kadib maanta yeelanaya fadhi wada jir ah oo ay kaga doodayaan heshiiska arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.

9/26/2020 1:11 AM EST
Sabti, September 26, 2020 (HOL) - Midowga Yurub iyo UNOPS ayaa ku dhawaaqay inay bilaabayaan Abaalmarinta Deeqda-waxbarasho oo loogu talo galay ardayda Soomaaliyeed.