4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 26, 2020
Labada aqal ee barlamaanka Soomaaliya oo cod aqbliyad leh ku meel mariyay heshiiska doorashada
 

Sabti, September 26, 2020 (HOL) - Labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Heshiiska siyaasadeed ee doorashada Soomaaliya.

252 Xildhibaan oo kamid ah mudanayaashii goobta ku sugnaa ayaa ogolaaday heshiiskaan. 2 xildhibaan ayaa diiday, halka 1 Xildhibaan uu ka aamusay.

Waa markii ugu horeysay oo muddo kadib labada aqal ee barlamaanka Soomaaliya ay siwadajir u meel mariyeen sharci ka yimid xukuumada.

Dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada ayaa hadda laga sugayaa inay magacaaban guddiyadii doorashada maamuli lahaa, sida guddiga doorashada heer federal iyo heer dowlad goboleed.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]