4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 24, 2020
Xaliimo Yarey iyo safiirka Sweden u jooga Muqdisho oo kulmay
 

Khamiis, September 24, 2020 (HOL) - Guddoomiyaha Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka Soomaaliya Xaliimo Ismaaciil ayaa waxay magaalada Muqdisho kulan kula yeelatay safiirka dalka Sweden u jooga Soomaaliya danjire Staffan Tillander, waxa ayna ka wada hadleen xaaladda dalka Soomaaliya iyo doorashooyinka.

Kulanka ayaa ka dhacay xafiiska Guddiga doorashooyinka ee dalka, waxaana lagusoo hadal qaaday xoojinta dimuquraaddiyada Soomaaliya iyo hannaanka doorashada dalka .

Dowladda Sweden ayaa waxay sheegtay iney taagereyso Soomaaliya, laakiin Guddiga doorashada madaxa bannaan ayaa dowr muuqda ku laheyn, doorashada Soomaaliya marka la eego heshiiskii dhowaan lagu gaaray magaaladaa Muqdisho.

Madaxda maamul Goboleedyada Soomaaliya iyo dowladda Faderaalka ah ayaa dhowaan shir ay ku yeesheen Muqdisho ku heshiiyay, in dalka uu galo doorasho dadban.

Hase-ahaatee beesha caalamka ayaa arrintaasi aad u saluugtay.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]