4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 23, 2020
Madaxweyne Farmaajo oo maanta raysal wasaarihiisa cusub horgeynaya barlamaanka
 

Arbaco, September 23, 2020 (HOL) - Madaxweyne Farmaajo ayaa maanta barlamaanka horgeynaya raysal wasaaraha cusub, Maxamed Xuseen Rooble oo todobaadkii hore uu magacaabay, kadib ku dhawaad 2 billood oo dalku raysal wasaare la’aan ahaa.

Raysal wasaaraha cusub ayaa dhawaan barlamaanka ka codsaday inay siiyaan codka kalsoonida si uu guto waajibaadkiisa qaran ee horyaala oo ay ugu horeyso inuu billaabo fulinta heshiiska doorashada.

Qaar kamid ah xildhibaanada barlamaanka ayaa horey usii sheegay inay si aqbaliyad leh raysal wasaaraha cusub ku siindoonaan xasaanad uu ku shaqeeyo kadib kulan uu la qaatay xubno kamid ah barlamaanka.

Ka sakow arinta raysal wasaaraha, waxaa kale oo madaxweyne Farmaajo laga sugayaa inuu barlamaanka horgeeyo heshiiska laga gaaray hannaanka loo galayo doorashooyinka soo socda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shalay barlamaanka ku wargaliyay inay waajibaadkooda dastuuriga ah ka gutaan meel marinta heshiiskaan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]