4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 22, 2020
Ra’iisul wasaare Rooble oo la kulmay xildhibaanno iyo siyaasiyiin
 

Talaado, September 22, 2020 (HOL) - Ra’iisul wasaaraha magacaaban ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxa uu magaalada Muqdisho ka wadaa kulamo uu la yeelanayo mudanayaasha ka tirsan Baarlamanka Golaha Shacabka ee Soomaaliya, isagoo weydiisanaya iney taageeraan oo ay sii yaan codka kalsoonida.

Rooble ayaa xalay la kulmay illaa iyo 50 mudane iyo madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Cali Guudlaawe, waxa uuna ka codsaday garab istaag iyo la shaqeyn , sida lagasoo xigtay ilo goobjoog ahaa oo kulanka ka qeyb galay.

Baarlamanka Golaha shacabka ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu wadaa in dhowaan la horgeeyo ra’iisul wasaaraha magacaaban, si uu u helo codka kalsoonida, kadibna uu u soo dhiso xukuumaddii bedeli laheyd  wasiirrada sida gaarsiinta ah u shaqeeyo.

Ra’iisul wasaaraha magacaaban , haddii uu helo codka kalsoonida , xukuumaddiisana la meel mariyo waxaa hor-yaalla howl adag oo ay kamid tahay ka shaqeynta arrimaha doorashada dalka.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]