4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 15, 2020
Beesha caalamka oo war kasoo saartay shirka Muqdisho
 

Talaado, September 15, 2020 (HOL) - Qaramada midoobe iyo daneeyayaasha kale ee beesha caalamka ee Soomaaliya,  ayaa soo dhoweeyay shirka magaalada Muqdisho uga socda madaxda dowladaha faderaalka qeybta ka ah iyo dowladda dhexe ee looga hadlayo arrimaha siyaasadda dalka iyo doorashooyinka.

Waxay dhinacyadaan sidoo kale ku ammaaneen Madaxweyne Farmaajo marti gelinta shirka,  iyagoo guud ahaan dhinacyada wada-hadlaya ugu baaqay in waxyaabaha muranka gaarka ah iyo tabashooyinka keenay ay gaar iska dhigaan,  haddana si gaar ah looga hadlo danta qaranka Soomaaliyeed iyo doorashooyinka.

"Waxay dhammaan beesha caalamka ku boorrinayaan madaxda Soomaaliyeed ee wada hadlaya, in shirka loo wajaho si dhab ah, heshiisna laga gaaro nooc doorasho oo lagu wada qanacsanyahay" ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ay soo saareen

Warkaan kasoo baxay beesha caalamka ayaa sidoo kale lagu qeexay in shirkaan uu kasoo baxo aragti sal u ah rabitaan biritaaraya dimuquraaddiyada Soomaaliya iyo rabitaanka shacabka

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]