4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 1 , 2020
Deni iyo Axmed Madoobe oo loo xiray waddooyinka Muqdisho
 

Talaado, September 1, 2020 (HOL) - Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, ayaa maanta ku wajahan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, halkaas oo maalmaha soo socda uu ka furmayo shir wadatashi oo udhexeeya dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada.

Imaatinka Labada madaxweyne, ayaa keentay in loo xiro qaar badan oo kamid ah waddooyinka magaalada Muqdisho, taasoo dhalisay hadal hayn badan oo shacabka dhexdiisa.

Labada madaxweyne ayaa sidoo kale Muqdisho geeyay ciidamo si gaar ah ammaankooda u sugaya, taasoo loo fisiran karo kalsooni xumada dhextaala dowladda federalka iyo labada dowlad goboleed.

Madaxweyne Deni waa markii ugu horeyay oo isagu tagayo Muqdisho tan iyo markii xilkaan loo doortay 2019, balse waqtiyadiisii ka horeeyay waxaa uu xilal wasiir iyo xildhibaan kasoo noqday dowladdii madaxweyne Xasan Sheikh.

Axmed Madoobe isagu laftiisu muddo ma uusan tegin Muqdisho, taasoo u sabab u ah khilaafka adag ee kala dhexeeya dowladda federalka, iyadoo horey Muqdisho loogu xiray wasiirkiisii amniga Cabdirashiid Janan.

Si kastaba aha ahaatee, Muqdisho waxay maalmahaan soo socda marti galindoonta shirar muhiim ah oo arrimaha doorashada looga go’aan gaarayo.

Abdisalan Nur Dirie, Hiiraan Online
[email protected]