4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 31, 2020
Guddiga Doorashada Guddoonka Baarlamaanka 2aad ee Hirshabeelle oo lagu dhawaaqay

 

Sabti, October, 31, 2020 (HOL)- Xildhibaannada Baarlamaanka 2aad ee dowlad gobolleedka Hirshabeelle ayaa maanta lagu dhaariyay magaalada Jowhar iyadoo dhinaca kalana lagu dhawaaqay guddiga qaban-qaabada doorashada guddoonka Baarlamaanka.

Guddoomiyaha ku-meel-gaarka ah ee Baarlamaanka cusub Xildhibaan Maxamuud Siyaad Barkhadle ayaa magacaabay guddi ka kooban 9 xubnood oo ka shaqeyn doona doorashada guddoonka Baarlamaanka waxaana guddoomiye u ah xildhibaan Yuusuf Sheekh Xassan Macalin Jeelle.

Doorashada Guddoonka Baarlamaanka 2aad ee dowlad gobolleedka Hirshabeelle ayaa la qaban doonaa 5 bisha November, iyadoo durbaba ay jiraan musharixiin dhowr ah oo daneynaya  in ay u tartamaan xilalkan.

Hoos ka akhriso magacyada guddiga :


Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]