4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 30, 2020
Ra'iisal Wasaare Rooble oo Danjiraha Turkiga kala hadlay xoojinta taageerrada ay siiyaan Soomaaliya

 

Jimco, October, 30, 2020 (HOL)-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Mehmet Yilmaz ayaa adkeeyey xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeya labada dal.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay in shacabka Soomaaliyeed aysan marna ilaawi doonin abaalka Turkiga, ugana mahad-celinayaan taageerada iyo waxqabadka muuqda ee suurageliyey in waddankeena uu tallaabo horey u qaado, isagoo xusay in Xukuumaddiisu ay sii adkeyn doonto xiriirka walaaltinimo ee labada dal ka dhexeeya.

Rooble ayaa sheegay in xiligan muhiimka ah ay jiraan dad badan oo Soomaaliyeed oo u baahan in laga caawiyo arrimaha banii'aadamnimada, isagoo uga mahadceliyey taageerada dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo Gargaarka.

“Xiriirka aan la wadaagno Turkiga waa mid ahmiyad gaar ah u leh bulshada Soomaaliyeed iyo sidii ay dib ugu soo kaban lahayd.Waxaan uga mahad celineynaa Dowladda Turkiga iyo shacabkeeda garab istaaggii ay inoo muujiyeen xiliyadii adkaa ee nasoo maray iyo mashaariicyadii ay ka fuliyeen dalkeenna welina u taagan yihiin garab istaaggeena”.

Danjiraha Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mehmet Yilmaz ayaa dhankiisa balan qaaday in ay sii wadi doonaan garab istaaggooda dadka Soomaaliyeed, isagoo xusay ahmiyadda ay leedahay in la sii dardargeliyo taageerada aan shuruuddu ku xirnayn ee dalkiisu siiyo Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]