4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 27, 2020
Hay'adda UNICEF oo war kasoo saartay labo kamid ah shaqaalaheeda oo maanta Muqdisho lagu dilay
 
Talaado, October, 27, 2020 (HOL) - Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan caruurta ee UNICEF ayaa cambaareysay dil maanta magaalada Muqdisho loogu gaystay laba ka mid ah shaqaalaheeda gargaarka bani’aadannimo.

Shaqaalahan oo ka shaqeynayay ololaha talaalka dabeysha oo dhawaan lagu daah furay Muqdisho, ayaa lagu dilay qarax ka dhacay dagmada kaxda ee gobolka Banaadir.

UNICEF waxay sheegtay inay naftooda u waayeen iyagoo adeegyo caafimaad oo muhiim ah siinayay caruurta nugul.

“Weerarrada lagu qaado shaqaalaha caafimaadka waxay xadgudub ku yihiin sharciga caalamiga waana in aan loo dulqaadan,” ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay Unicef.

UNICEF waxay ugu baaqday dowladda inay sameyso baaritaan dhameystiran islamarkaana cadaalada la horkeeno kuwii ka dambeeyay falkan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]