4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 27, 2020
Midowga Afrika iyo midowga Yurub oo xoojiyay in la ixtiraamo madax-bannaanida Soomaaliya
 

Talaado, October, 27, 2020 (HOL) - Midowga Afrika iyo midowga Yurub oo yeeshay kulankooda sanadlaha ah ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo madax-bannaanida Soomaaliya, madax-bannaanideeda siyaasadeed iyo madax-bannaanida dhuleed.

Labada urur ayaa ku boorriyay dhammaan la-hawlgalayaasha taageeraya geeddi-socodka nabadda ee Soomaaliya in ay isku dubbaridaan oo ay iswaafajiyaan taageeradooda iyo in ay ku dadaalaan dhammaan dadaalladooda ku aaddan soo celinta nabadda, amniga iyo soo kabashada dhaqaalaha Soomaaliya.

Midowga Afrika iyo midowga Yurub ayaa fiiro gaar ah u yeelanaya shirka amniga ee 30 Nofeembar 2020, oo ay si wada jir ah u soo qaban qaabiyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Midowga Yurub, kaasoo ujeedkiisu u yahay kobcinta taageerada hirgelinta Qorshaha Kalaguurka.

Labada dhinac waxay muujiyeen walaac ku aadan dhibaatada bina'aadanimo ee ka jirta qaybo badan oo ka mid ah Soomaaliya, taasoo ugu wacan tahay daadadka, Ayaxa, iyo cudurka covid19, waxayna ka codsadeen Beesha caalamku inay xoojiso taageerada bani'aadamnimo ee Soomaaliya.

Waxay sheegeen in loo baahan yahay $1 bilyan si wax looga qabto dhibaatooyinka bani'aadamnimo ee soo food saaray Soomaaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]