4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 27, 2020
Shaqaalaha Dowladda Soomaaliya oo loo fasaxay maalinta Khamiista ah xuska dhalashada Nabbiga NNKH

 

Talaado, October, 27, 2020 (HOL)- Warka soo baxay Dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in shaqaalaha dowladda maalinta Khamiista ah loo fasaxay xuska dhalashada Nabbigeena Maxamed NNKH.

Qoraal ka soo baxay Wasaarradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa lagu sheegay in la fasaxay dhamaan shaqaalaha dowladda iyada oo la wey-neynayo dhalashada Nabbi Maxamed NNKH.

Qoraalka ayaa lagu yiri'' Wasaarrrada Shaqada iyada oo wey-neyneysa Rasuulkeena Suuban, waxaa ay ku wargalineysaa shaqaalaha Dowladda iyo Shaqaalaha gaarka ah intaba in maalinta Khamiista ah oo ay taariikhdu tahay 12ka bisha Mowliid ee sanadka 1442 Hijriyada ay ku beegan tahay dhalashada Rasuulkeena NNKH, sidaa daraadeed la fasaxay dhamaanba shaqaalaha Dowladda maalinta Khamiista ah.

 

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]