4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 26, 2020
Shirkii Nabadaynta Adhicadeeye oo la shaaciyey xiliga uu gabagaboobayo, iyo xiisad ka dhalatay niman dil geystey
 

Isniin, October, 26, 2020 (HOL) - Gudiga wadajirka ah ee shirka nabadaynta Adhicadeeye ayaa 29 bishan sheegay in uu soo gabagaboobayo, iyadoo la xaliyey dhamaan wixii kiis ahaa ee halkaasi la keenay marka laga reebo wax yar.

136 kiis oo dil ah ayaa hawshooda la dhameeyey kuwaas oo qaarkood ahaayeen sideetamaadkii, halka kuwa ugu dambeeyeyna ay dheceen mudo laba bilood gaadhaysa, taas oo ahayd ta sababtay in shirkani qabsoomo.

Shirkan oo haatan soconayey 59 maalmood ayaa sida ay qabaan bulshada labada dhinac in laga gaadhey hadafkii laga lahaa, waxaana muuqata in haatan laga dareemayo meelihii colaadu ka dhacday oo laga qaaday ciidamadii la geeyey marka laga reebo magaalada gogoshu taal oo xiisad ka baxsan tan haatan taagan ay ka jirto balse, la sheegay in iyana la guda geli doono dhamaadka shirkan.

Dhinaca kale cutub ciidanka Milateriga sida la sheegayo ka tirsan ayaa qaaday niman  lagu eedaynayey inay laba nin ku dileed duleedka magaalada Kalabaydh ee koonfurta Laascaanood hilaadana 30KM u jirta.
Dhacdadan ayaa illaa hada aan la hayn xaqiiqadeeda dhabta, waxse la xaqiijinayaa in nimankaas la geeyey halkii ay falka ka geysteen lana doonayo in lagu wareejiyey ehelada dadkii la laayey si looga hortago iskudhac beelaysan.

Masuuliyiinta xukuumada weli kama hadlin sida wax u dheceen saaka, waxaana la sugayaa jawaabta ay ka bixiyaan, iyadoo galabta la aasay nimankii dilka loo geystey oo laba maalmood qaboojiyaha ku jirey.

Seynab Cabdi Warsame
Laascaanood
[email protected]