1/26/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 26, 2020
Raysal wasaaraha Soomaaliya oo xalay kormeeray waddooyin xirnaa oo dib loo furay magaalada Muqdisho




Isniin, October, 26, 2020 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kormeeray Jidka Tarabuunka oo halboowle u ah isu socodka Caasimadda, si uu u hubiyo fulinta amarkii ku aaddanaa isu socodka bulshada iyo gaadiidka ee uu faray Laamaha Ammaanka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in furitaanka waddadan oo xirnayd ku dhawaad 10 sano ay muujinayso isku-tashiga iyo wadashaqeynta Laamaha amniga iyo shacabka Caasimadda oo ay ka go’an tahay in ay si qorsheysan ku wajahaan duruufaha amniga, una midoobaan xasilinta Caasimadda.

“Bulshada Caasimadda waxa ay nala wadaageen sida ay uga go’an tahay in ay la shaqeeyaan Laamaha amniga oo wakhti kasta u taagan badqabka nafta iyo maalka muwaadiniinta Soomaaliyeed. Qof kasta waxaa waajib Qaran ku ah fashilinta dhagarta ay dadkeenna u soo maleegayaan argagixisadu.”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ku bogaadiyey Taliska Booliska Ciidanka Soomaaliyeed iyo Maamulka Gobolka Banaadir hirgelinta qorshahan culeyska lagaga dulqaadayo isu socodka Caasimadda, waxa uuna ku adkeeyey in ay sii dhammeystiraan, korna u qaadaan wadashaqeynta dhanka amniga ee ay la leeyihiin Shacabka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga mahadceliyey ganacsatada iyo qeybaha kale ee bulshada dhabar adeygga ay ku wajaheen durufiihi ka dhashay xirnaanta waddooyinka, isagoo tilmaamay in ay qeyb ka ahayd dadaalladii lagaga hortageyey dhagarta argagixisadu ay u soo maleegayeen shacabka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
10/26/2020 11:13 AM EST
Isniin, October, 26, 2020 (HOL) - Koooxda Daacish ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerar ka dhacay isgoyska Xoosh ee magaalada Muqdisho, maalintii Axadda ee shalay.

10/26/2020 9:33 AM EST
Isniin, October, 26, 2020 (HOL) - Gudiga wadajirka ah ee shirka nabadaynta Adhicadeeye ayaa 29 bishan sheegay in uu soo gabagaboobayo, iyadoo la xaliyey dhamaan wixii kiis ahaa ee halkaasi la keenay marka laga reebo wax yar.

10/26/2020 8:05 AM EST
Isniin, October, 26, 2020 (HOL)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa sheegay in rag hubeysan toogasho ku dileen maamulihii shirkadda Amal ee magaalada Kismaayo Cabdullaahi Cabdisalaan Shigshigow.

10/26/2020 4:46 AM EST
Isniin, October, 26, 2020 (HOL)- Xukuumadda Somaliland ayaa ka jawaabtay hadal heyn ka dhalatay cafiskii madaxweynaha Muuse Biixi Cabdi uu u fidiyay Ra’iisal Wasaare ku-xigeenkii hore ee Soomaaliya Maxamed Cumar Carte.

10/26/2020 1:45 AM EST
Isniin, October, 26, 2020 (HOL) - Bukaannada cusub ee COVID-19 ayaa weli si aad ah u sii kordhaaya, sida ku cad tirooyinka ay soo saartay Jimcihii Waaxda Caafimaadka ee Minnesota (MDH).

10/26/2020 12:30 AM EST
Isniin, October, 26, 2020 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa shaacisay inay hakisay dhammaan barnaamijyadii iyo qorshayaashii shaqo ee hay’addaha Qaramada Midoobay ka wadeen degaanadeeda.