4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 25, 2020
Xaliimo Yareey oo ku eedeysay maamul gobolleedyada in aysan ilaalin qoondada Dumarka ee guddiyada doorashada

 

Axad, October, 25, 2020 (HOL) – Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yareey) ayaa ku eedeysay Dowlad Gobolleedyada in aysan ilaalin qoondad haweenka ee Guddiyada Doorashada heer Federaal.

Waxey sheegtay in marka laga reebo maamul gobolleedka Puntland inta kale aysan wax dumar ah ku soo darin xubnaha ay u soo xusheen ka mid noqoshada guddiyada doorashada.

Laakiin marka la eego wareegtadii ugu danbeysan ee ka soo baxday madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare afarta xubnood ee maamulkiisa uga mid noqonaya guddiyada doorashada waxaa ka mid ah qof dumar.

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble ayaa sheegay in maamul gobolleedyada looga baahan yahay mar walba in ay ilaaliyaan qoondada haweenka, isaga oo intaa ku darray in ay jiraan qaar ka mid ah ururrada haweenka oo xiriir la soo sameeyay kana dalbday in xuquuqdooda la ilaaliyo.

Haweenka Soomaaliyeed ayaa sanadihii ugu danbeeyayba siweyn ugu howlanaa ka soo dhax muuqashada masraxyada siyaasadda dalka iyaga oo ku dagaalamaya in ay ka helaan saami-muuqda hay’addaha kala duwan ee dowladda.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]