4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 24, 2020
Xildhibaannada Golaha Shacabka oo codka kalsoonida siiyay Xukuumadda cusub

 

Sabti, October, 24, 2020 (HOL)-  Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa goor dhaw cod aqlabiyad ah ku ogolaaday Golaha Xukuumadda cusub ee uu dhawaan soo magacaabay Ra’iisal Wasaare Maxamed Xusseen Rooble.

Dhamaan xildhibaannadii fadhiga soo xaadiray oo ay ridadooda dhameyd 188 mudane ayaa si wada jir ah u ogolaaday Golaha Wasiirrada.

Ra’iisal Wasaare Rooble oo khubad ka jeediyay xarunta Golaha Shacabka  ayaa uga mahad celiyay xildhibaannada codka kalsoonida ah oo ay siiyeen xukuumaddiisa, isaga oo dhinaca kale kula dardaarmay Golaha Wasiirrada in ay gutaan waajibaadkooda Qaran.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]