
Sabti, October, 24, 2020 (HOL)-- Sarkaakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya gaar ahaan xoogagga DANAB ayaa sheegay in howlgal ku dileen dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab oo uu ka mid yahay sarkaal sare oo u qaabilsanaa dhinaca maaliyada.
newsinside Howlgalkan oo ay ka fuliyeen ciidamada deegaanno hoostaga Balcad iyo Afgooye ayeey sheegeen in lagu dilay horjoogaha magaciisa lagu sheegay Cabdiraxmaan Cabadalla (Abuu Ayman) kaa oo lacagaha ka soo uruurin jiray dadka shacabka deegaanno ka tirsan gobollada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe.
Sidoo kale ciidamada ayaa sheegay in muddadii uu howlgal socday ay burburiyeen fariisimo ay lahaayeen xoogagga Ururka Al-shabaab, ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Al-shabaab oo la xiriira howlgalkan la sheegay in lagu dilay xubno ka tirsan dagaalyahanadooda
Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]