4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 24, 2020
Xukuumadda cusub ee dhawaan uu soo dhisay Ra'iisal Wasaare Rooble oo maanta la horgeynayo Golaha Shacabka

 

Sabti, October, 24, 2020 (HOL)-Ajandaha Kulanka Golaha Shacabka Soomaaliya ee maanta oo Sabti ah ayaa noqonaya meelmarinta xukuumadda cusub ee Isniintii toddobaadkii hore uu soo dhisay Ra'iisal Wasaare Maxamed Xusseen Rooble.

Maalmihii ugu danbeeyay waxaa magaalada Muqdisho ka soconayay kulamo gooni-gooni ah oo ay lahaayeen xubnaha Golaha Wasiirradda cusub  iyo xildhibaannada ku jira Golaha Shacabka waxaana sida la saadaalinayo ay u badan tahay in xukuumaddan ugu danbeyntii maanta hali doonto ogolasha Golaha Shacabka.

Xukuumadda ayaa marka ay heshay codka kalsoonida lagu wadaa in ay dalka ku hoggaamiso doorasho siweyn isha loogu hayo, iyadoo muddo xileedka dowladda hadda jirta  ay ka harsan tahay wax ka yar Afar bilood.

Ra'iisal Wasaare Maxamed Xusseen Rooble ayaa horay u sheegay in xukuumadiisan cusub ay ka shaqeyn doonto oo kaliya sidii dalka looga saari lahaa marxalada kala guurka loona meel marin lahaa hanaanka doorasho oo ay ku heshiiyeen madaxtooyada Soomaaliya iyo madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada dalka.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]