4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 23, 2020
Mareykanka oo ansixiyay dawo cusub oo lagu dabiibayo dadka qaba cudurka Covid-19

 

Jimco, October, 23, 2020 (HOL)- Dowladda Mareykanka ayaa meel marisay islamarkaana ogolaatay in bukaannada la siiyo dawo la sheegay in lagu dabiibayo dadka qaba cudurka Covid-19, inkastoo haddana marka dhinaca kale la eego hay’adda caafimaadka dunida ay dhaliishay waxtarka dawadan.

Hay’ad u qaabilsan dhinaca dawooyinka ayaa sheegtay in ay fasaxeen in dawadan oo lagu magacaabo Remdesivir la siin karo dadka xanuunkan u jiifa isbitaalada dalka Mareykanka.

Hay’adda (FDA) oo dalka Mareykanka ugu qaabilsan cunada iyo dawooyinka ayaa sheegay in ay dawadan noqon doonto tii ugu horeysay oo loo isticmaalo ama la siiyo dadka qaba cudurkan safmarka ah ee Covid-19ka.

Balse WHO ayaa ku dooday in dawadan waxba ka tari doonin khatarta cudurkan, wallow la sheegay oo kaliya in ay muddo shan maalmood ah ka soo yareyn karto waqtiga soo kabashada bukaanka.

Dawadan ayaa horay waxaa loo siiyay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump kaddib markii laga helay cudurka Covid-19, waxaana la sheegay in uu ku bogsaday.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]