
Jimco, October, 23, 2020 (HOL)- Wararka naga soo gaaraya gobolka Galguduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegay in dagaal culus deegaanno hoostaga gobolka uu ku dhaxmaray ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo kuwa xoogagga Ururka Al-shabaab.
newsinsideWararku waxaa ay sheegayaan in guutada 21aad ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay weerar ku qaadeen fariisimo ay ku sugnaayeen dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab deegaanka lagu magacaabo Labi-dulle.
Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay in weerarkaa oo ahaa mid qorsheysan ku dileen xubno ka tirsan Ururka Al-shabaab, laakiin dhinaca Al-shabaab wax war ah kama aysan soo saarin dagaalka ay khasaaraha ka dhashay intaba.
Al-shabaab ayaa ka howlgala deegaanno ka tirsan gobollada dhexe oo ay fariisimo ku leeyihiin , waxaana inta badan deegaannadaa ka dhacay iska horimaadyo dhaxmara ciidamada dowladda iyo Al-shabaab.
Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online[email protected]