4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 23, 2020
Galmudug oo soo gudbisay xubnaha uga mid noqanaya Guddiyada Doorashada heer Federaal

 

Jimco, October, 23, 2020 (HOL)- Dowlad Gobolleedka Galmudug ayaa dhankeeda soo gubisay xubnaha Dowlad Gobolleedyada uga mid noqonaya Guddiyada Doorashada heer Federaal.

Xubnaha ayaa ka mid noqonaya labada Guddi ee kala ah kan doorashada iyo xalinta Khilaafaadka kuwaa oo ka shaqeyn doona doorashada xildhibaannada Baarlamaanka labada Aqal ee badalaya kan hadda jira.

Garaad Yuusuf Maxamuud iyo Mustaf Macalin Cali ayaa Galmudug uga mid noqon doona guddiga xalinta khilaafaadka halka dhinaca kale guddiga doorashada ku matali doonaan xubnaha kala ah Cabdicasiis Cabdiraxmaan Yuusuf iyo Liibaan Axmed Xassan.

Marka la soo dhameystiro guddiyadan ayaa lagu waddaa in ugu danbeyntii Ra’iisal Wasaaaraha xukuumadda Maxamed Xusseen Rooble uu wareegto ku soo saaro Guddiga doorashada iyo xalinta khilaafaadka heer federaal.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]