4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 14, 2020
Askar ka tirsan ciidamada dowladda oo lagu dilay duleedka Balcad
 

Arbaco, October 14, 2020 (HOL) - Wararka ka imaanaya degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa waxay sheegayaan in maanta uu weerar ka dhacay bar koontarool oo lagu ilaaliyo degmadaas , oo ku taalla jihada dhinaca degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Inta la xaqiijiyay laba askari ayaa ku dhimatay oo ka tirsan ciidamada ilaalada degmada Balcad weerarkaas, sida warbaahinta maxalliga ah ee Muqdisho ay u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonyahay.

Dhinaca kale, Alshabaab ayaa waxay horay u qaateen hubkii labada askari ee ku dhimatay weerarka ka dhacay Koontaroolka laga ilaaliyo magaalada.

Askar ka tirsan ciidamada ammaanka Balcad oo gaaray halka weerarka askarta lagu dilay uu ka dhacay maanta, iyagoo halkaas kasoo qaaday medadka.

Dhowr jeer oo hore waxaa ka dhacay koontaroolkaas, weerarro sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray ciidamada dowladda, illaa iyo haddana ma jiraan war kasoo baxay maamulka Hirshabeelle oo ku aaddan weerarka ka dhacay duleedka degmada Balcad.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]