4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 8 , 2020
Sheekh Cali Wajiis '' Xaliimo Yareey waxey beennisay Aayado Qur'aan ah

 

Axad,  November, 08, 2020 (HOL)-  Sheekh Cali Wajiis oo ka mid ah hay'adda Culimada Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay guddoomiyaha guddiga Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yareey) in ay Alle u soo noqoto kaddib markii sida uu sheegay ay been abuur  ku tilmaamtay Aayado Qur'aan ah.

Xaliimo Yareey oo maalintii shalay khudbad ka jeedisay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in Ragga iyo Dumarka waxba is dheereyn, iyadoo waxba kama jiraan ku tilmaamtay in Xaawo laga abuura Feer ka mid ah Aadan

Sidoo kale Xaliimo Yareey ayaa sheegtay in loo baahan yahay cadeyn ku saabsan halka ay Qur'aanka kaga taalo in haweenku  Guryahooda ku ekaadaan, ''''Culimada waxaan ka codsaneynaa in ay Qur'aanka si wanaagsan u Aqriyaan, waan in aysan na dhihin haweenku waa Guri, waxaan u baahan nahay cadeynta arintaa ku saabsan, laakiin bini’aadanku waa isku hal, Ilaahey nus iyo qof buuxa ma abuurin, Xaawo iyo Aadan isku hal ayeey ahaayeen. Xaawo Feeraa laga abuuray ‘waa been’  ayeey tiri Xaliimo Yareey.

Sheekh Cali Wajiis ayaa sheegay in ay Towbad u furan tahay Xaliimo Yareey oo sida uu hadalka u dhigay uu arkayo in uu Jahli u geeyay erayadaa ay ku beenisay Aayaadka Qur'aanka Kariimka ah.

''Xaliimo kaligeed ma'aha ee gabdhaha aad u dhageysta reer Galbeed ee buugaagtooda soo aqrista ee  la dhacsan ayaa fikirka noocan ah qaba'' ayuu yiri Sheekh Cali Wajiis.

Sidoo kale Sheekha ayaa sheegay in Aayad Qur’aan ah ay ku soo arrooreen in haweenku guryahooda joogaan isaga oo yiri''''Waxaa ku soo arrooray  Aayado Qur'aan ah in haweenku Guryahooda joogaan iyada uu Alle ugu nasteexeynayo haweenka oo marna la doonayo in ay nastaan marnaba laga rabo in ay ka war hayaan kuriimada carruurta'' 

Sanadihii ugu danbeeyayba haweenka Soomaaliyeed ayaa u muuqday kuwo ololle weyn ugu jiraan siddii ay u hili lahaayeen xuquuqdooda ka qeybgalka siyaasadda gaar ahaan ka mid noqoshada hay'addaha kala duwan ee Dowladda waxaana marar badan dalka gudihiisa iyo dibadiisa lagu qabtay kulamo ay haweenku ka qeybgaleen kuwaa oo dhamaantood ku saleysnaa siddii ay Dumarka Soomaaliyeed u heli lahaayeen Qoondo u gaar ah marka ay timaado awood-qeybsiga kuraasta dalka. 

Balse Culimada Soomaaliyeed ayaa marar badan oo hore ku celcelisay in ay khatar ku tahay shareecada Islaamka ku soo celcelinta doodda ku saabsan in haweenku ka maqan tahay xuquuq  u gaar ah , iyaga oo sheegay in Alle uu Dumarku siiyay xaq kan ugu wanaagsan oo mar walba laga qaadanayo Diinta Islaamka.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]