4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 8 , 2020
Abiy Ahmed oo shaqada ka eryay xubno sar sare oo ka tirsanaa ciidamada

 

Axad, November, 08, 2020 (HOL) Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya ayaa xilalkii ka qaaday qaar ka mid ah taliyayaasha ciidamada xili uu sii xoogeysanayo dagaalka ciidamada difaaca Qaranka iyo jabhada TPLF ku dhaxmaraya gobolka Ismaamulka Tigray-ga.

Abiy xilalka ka qaaday Taliyihii Ciidamada,Mmadaxii Sirdoonka mana jirto wax sabab ah loo yeelay xil ka qaadistan, sidoo kale Abiy ayaa xilkii ka qaaday Wasiirkii Arrimaha dibadda Itoobiya.

Ku-xigeenkii hore ee ciidamada qalabka sida, Gen. Birhanu Jula, wuxuu noqday taliyaha ciidamada, Wasiirka Arrimaha dibedda Gedu Andargachew ayaa dib loogu beddelay la-taliyaha amniga ee Abiy, iyadoo lagu beddelay ra’iisul wasaare ku-xigeen Demeke Mekonnen. Demelash Gebremichael ayaa laga qaaday xilka Madaxa Sirdoonka wuxuuna hogaamin doonaa guddiga booliiska ee Federaalka isaga oo badali doona hogaamiyihii hore ee gobolka Amxaarada Temesgen Tiruneh 

Waxaa sii xogeysanaya dagaalka ka soconaya Ismaamulka Tigrayga iyadoo in ka badan 100 dhaawac ah oo ciidamada dowladda ah la gaarsiiyay gobolka Amhara ee waqooyiga dalkaas.

Itoobiya ayaa hadda u muuqata mid gorada la gashay dagaal sokeeye waxaana dadka odorasa siyaasadda leeyihiin waxaa laga yabaa in dagaalku sii fiddo.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]