4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 7 , 2020
Waqtiga la dooranayo madaxweynaha Hirshabeelle iyo ku-xigeenkiisa oo lagu dhawaaqay

 

Sabti, November, 07, 2020 (HOL)- Guddiga doorashada madaxweynaha Hirshabeelle iyo ku-xigeenkiisa ayaa soo saaray jadwalka doorasho kaddib markii ay maanta xildhibaannada Hirshabeelle codka kalsoonida siiyeen.

Jadwalka guddiga doorashada ayaa lagu sheegay in 8 bisha ilaa 9ka la qaban doono Araajida musharixiinta xilka madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa 10ka bishanna la dhageysan doono khudbadaha musharixiinta halka 11ka isla bishan November-na la dooran doono madaxweynaha Hirshabeelle iyo ku-xigeenkiisa.

Mudo afar cisho ah ayeey u muuqataa in gabi ahaanba lagu soo gabagabeyn doono doorashadan oo ah mid xasaasi ah siweynna isha loogu wadda hayo

Hoos ka akhriso jawalka Doorshada :

 

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]