4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 7 , 2020
Ra'iisal Wasaare Rooble iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare oo isku khilaafay guddiga doorashada xildhibaannada G Waqooyi

 

Sabti, November, 07, 2020 (HOL)- Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble ayaa soo magacaabay guddiga doorashada xildhibaannada Gobollada Waqooyi iyadoo meel leyska dhiggay xubnihii uu soo gudbiyay guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaanshi Cabdullaahi.

Guddigan oo ka kooban guud ahaan 11 xubnood ayaa intooda badan la sheegay in ay ka tirsan yihiin xafiisyada Wasaarraddaha kala duwan ee dowladda.

Guddigan ayaa waxaa ku jiray 5 dumar ah oo noqonaya tiradii ugu badneyd ee lagu soo darro Guddiyada Doorashada maamul Gobolleedyada.

Qoraalka ka soo baxay Xafiiska Ra'iisal Wasaaraha Hoos ka Akhriso : 

 

Laakiin magacaabistan waxaa siweyn uga soo horjeestay Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaanshi Cabdullaahi oo ku eedeeyay Ra'iisal Wasaare Rooble in uu dhinac iska dhiggay Guddiggii uu u gudbiyay, isaga oo intaa ku darray in guddigan uu Ra'iisal Wasaaruhu magacaabay matali doonin (Gobollada Waqooyi)

Balse magacaabista ra'iisal Wasaaraha waxaa taageeray xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baalamaanka oo laftirkooda ka soo jeeda Gobollada Waqooyi kuwaa oo ku eedeeyay Cabdi Xaanshi  in uu waddo qalqalgalin siyaasadeed.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]