4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 5 , 2020
Guddiga Doorashada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa ee Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle oo lagu dhawaaqay

 

Khamiis, November, 05, 2020 (HOL)-Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle  Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed ayaa magaalada Jowhar uga dhawaaqay Guddiga Doorashada madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa ee Dowlad gobolleedka Hirshabeelle.

Guddigan ayaa markii ugu horreysay waxaa guddoomiye ka noqoneysa qof dumar ah iyadoo guud ahaan uu ka kooban yahay.9 xubnood.

Guddiga ayaa looga fadhiyaa in ay soo bandhigaan hab raaca doorasho ee madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa.

Ku dhawaaqista Guddiga ayaa imaneysa xili maalintii shalay lagu doortay magaalada Jowhar Guddoonka Baarlamaanka Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle.

Lama oga in laga heshiiyay khilaafkii ka taagnaa doorashada madaxweynaha Hirshabeelle, waxaana Jowhar wali ku sugan madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo kulamo la leh dhinacyada isku khilaafsan hanaanka loo marayo doorashada kursiga madaxweynaha.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]